Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Abu Mansuur oo loo raray hub badan iyo qorshe ka socda Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka al-Shabaab.

Abaabulka duulaanka ayaa xoogiisa ka socdo Xarunta ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin magaalada Baydhabo, waxaana halkaa iska xaadiriya Saraakiisha ciidamada ee hogaamin doona dagaalka.

Duulaanka ayaa waxaa ka qeybqaadan doona ciidamo dhan 300 kuwaa oo dagaal lugta ah ku qaadi doona Goobaha ay maleeshiyaadka al-Shabaab ka degan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose.

Mid kamid ah Saraakiisha Hogaamin doona duulaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Taliska Ciidamada Ethiopia iyo Maamulka Koonfur Galbeed ay Hub u direen Xoogga Mukhtaar Roobow ee ku sugan deegaanka Abal ee gobolka Bakool.

Hubka ayuu sheegay in lagu caabinaayo Xoogga oo uu sheegay inay ka dhamaatay Saanada maadaama asbuucyadii ugu danbeeyay ay dagaal la galeen al-Shabaab.

Sidoo kale, Sarkaalkan ayaa sheegay in il gaara lagu hayo Xoogga Mukhtaar Roobow ee ka howlgala deegaanka Abal, wuxuuna cadeeyay in ujeedka laga leeyahay uu yahay mid lagu xoojinaayo dagaalka lagula jiro al-Shabaab.

Dhinaca kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhaca kulamo gaargaar ah oo u dhexeeya Saraakiisha Ethiopia iyo Mukhtaar Roobow kaa oo lagu dajinaayo qorshooyinka lagu qaadayo dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xog: Abu Mansuur oo loo raray hub badan iyo qorshe ka socda Baydhaba appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this