Sign in to follow this  
Deeq A.

3 xisbi oo mucaarad ah iyo madasha Horusocod oo soo saaray digniin ku socota madaxda DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onnlie) – Xisbiyada Wadajir, Kulan, Daljir iyo madasha Horusocod ayaa maanta oo Talaado ah waxay si wadajir ah usoo saareen war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xariggii C/raxmaan Cabdi Shakuur, qaabkii uu u dhacay iyo khasaarihii ka dhashay.

Waxay sheegeen ugu horreyn in weerarkii lagu qaadday guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur ahaa fal dambiyeed ka horjeeda shuruucda iyo dastuurka dalka, halisna ku ah hanaanka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadda dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay ka tacsiyeeyeen dadkii ku dhintey weerarkaasi, waxayna cambaareeyeen weerarkaasi.

Saddexda xisbiga iyo madasha Horusocod ayaa sidoo kale waxay madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka uga digeyn in dalka geliyaan xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amniga, dhanka kalena waxay soo jeediyeen in la magacaabo guddi madax bannaan oo baara weerarkii ay ciidamada dowladda ku qaadeen guriga siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka:

0001.jpg?resize=686%2C960&ssl=10002.jpg?resize=686%2C960&ssl=1

The post 3 xisbi oo mucaarad ah iyo madasha Horusocod oo soo saaray digniin ku socota madaxda DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this