Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Imaaraadka ku wargelisay in uu hakiyo Saldhigga magaalada Berbera.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland ayaa hakinaysa dhismaha Saldhigga militari ee dowladda Imaaraadka Carabtu ka waddo magaalada Berbera,sida lagu daabacay mid kamid ah wargeesyada ka soo baxa Somaliland.

Wargeeska lagu magacaabo Geeska.net ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland,Sacad Cali Shire uu dowladda Imaaraadka ku wargeliyay in ay gebi ahaanba hakiso dhammaan hawlaha dhismaha ee saldhigga.

Wasiir Sacad ayaa sidoo kale Imaaraadka ku wargeliyey in xukuumaddiisu”ay dib u eegis ku samaynayso wixii isfaham ahaa ee saldhigaas ku saabsan“,sida uu Wargeesku sheegay.

Warkan ayaa ku soo beegmaya,xilli dhowaan ay dowladda Imaaraadka Carabtu shirkadda Divers Marine Contracting LLC qandaraas ku siisay mashruuca dhismaha saldhigga oo ku kacaya lacag la sheegay in ay gaarayso $ 90 milyan oo dollar.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo Imaaraadka ku wargelisay in uu hakiyo Saldhigga magaalada Berbera. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this