Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka guddoomiyayaasha barlamaankada Soomaaliya oo ka furmay magaalada Baydhabo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Puntlandi) Shirka Guddoonka Baarlamaanada dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo Golaha Shacabka Soomaaliya , ayaa ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shirkaan oo socondoona saddex cisho ayaa looga hadlayaa sidii ay u wada Shaqeyn lahaayeen baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya. Waxaa kaloo la filayaa inay sameystaan madal ay ku midaysan yihiin guddoonada.

Gudoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa shirka furay, waxaana Goobjoog ka ahaa gudoomiye ku xigeenkiisa labaad, iyo Gudoomiyaasha Baarlamaanada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug.

Shirkaan waxaa ka maqan guddoomiyaha barlamaanka Hirshabelle, kaasoo ugasoo qeybgali waayay arrimo ku saabsan meel marinta gollaha wasiiradda Hirshabelle.

5-47.jpg 4-59.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this