Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Lagu Ansixi Lahaa Wasiirada Hir Shabelle oo baaqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe oo hadda fadhiisin u ah maamulka Hir Shabelle ayaa waxa ay sheegayaan in uu baaqday kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle lagu waday in ay ku ansixiyaan Xukuumada cusub ee Hirshabelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir Shabelle Mudane Shiikh Cismaan Barre Ayaa sheegay in uu kooram la’aan uu u baaqday fadhigii xasaasiga ah ee Baarlamaanka Hir Shabelle uu Madaxweynaha Hir Shabelle Mudane Waare uu ku horgeeynlahaa Golahiisa cusub ee wasiirada.

Waxaa uu sheegay in kulankaasi ay soo xaadireen oo kale 44 Mudane halka Kooramka laga rabay in ay soo xaadiraan 51 Xildhibaan.

Baaqashada Kulankaan Baarlamaanka ayaa u muuqato in ay tahay Diidmo ay Xildhibaanada Hir Shabelle ay diidanyihiin Ansixinta Golaha Wasiirada oo ay diidanyihiin in badan Baarlamaanka Hir Shabelle.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Kulankii Lagu Ansixi Lahaa Wasiirada Hir Shabelle oo baaqday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this