Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Hub iyo Gaadiid lagu kala furtay oo ka dhacay Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal qaraaran oo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka oo qaraarnaa ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerar gaadma ah ku qaaden laba fariisimo oo ciidamada dowlada ku leeyihiin dhinaca Galbeed ee degmada.

Dagaalka oo xalay dhacay ayaa waxaa leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in khasaaraha labada dhinac uu yahay mid gaarsiisan ilaa Siddeed ruux oo isugu jira labada qeyb, halka ay jiraan khasaarooyin kale oo soo gaaray dadka deegaanka.

Inta uu dagaalka socday maleeshiyada ayaa wakhti kooban la wareegtay degmada, gaar ahaan goobihii ay weerarka ku qaaden waxaana mudadaasi degnaa Jawiga Degmada oo ahaa mid kala qariyay dadka.

Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale lagu kala furtay Hub iyo Gaadiid, inkastoo aan la ogeyn heerka ay gaarsiisan yihiin.

Sidoo kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah xarumaha maamulka, waxaana uu weerarkan noqonaya kiisii saddexaad bishan oo keliya ay ka gaysteen degmadaasi.

Dhinaca kale, maamulka iyo Saraakiisha Degmada ayaan weli ka hadal khasaaraha ka dhashay dagaalka mudada gaaban socday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Dagaal Hub iyo Gaadiid lagu kala furtay oo ka dhacay Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this