Sign in to follow this  
Deeq A.

(DHEGAYSO) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo ka hadlay colaada Cagaarre iyo dadaalada dowladdu wado.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiin Camey ayaa beeniyay inay gacmo kale ku lug leeyihiin colaada ka taagan koonfurta gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen beelo walaalo ah oo horey colaadi udhex taalay.

Eng, Camey ayaa dadka u sheegay colaadani inay tahay mid soo noq noqotay oo lamid ah kuwii horey u dhacay, wuxuuna cambaareeyay dadka warbaahinta ka sheegaya inay gacmo kale hurinayaan colaadaa ama ciidamo dowladda katirsan ay colaada ka qeyb qaateen..

“Colaadaan muddo dheer ayay soo jirtay, waxbana kaga duwana kuwii hore, balse, waana ceeb nagu ah in la yiraahdo qolo hebel ayaa ku jirta, maxaa yeelay dadka is dagaalaya waa dad wada dhashay oo isu dhow, mana aaminsani inay jirto cid raali ka ahayd in colaadani soo noqoto, balse waxaa dhacay waxay ahaayeen qorshe xumo aan la filayn,” ayuu yidhi Camey.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay isaga iyo madaxweyne Gaas inay arrintaan sidii ugu haboonayd ay u wajaheen islamarkaana aysan nasanin illaa iyo maalintii colaadaan bilaabatay, balse wuxuu dadka xasuusiyay qadarta ilaaheey qoray inaan cidina celin karin.

Wuxuu  ugu baaqay labada beelood ee inuu caqligu shaqeeyo oo nabada laga shaqeeyo islamarkaana odayaasha loo daayo inay xaliyaan colaadaan aafeysay degaanka.

Halkaan ka dhegayso codka Camey.

      Camey sax

 by Abdiweli Sheikh 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this