Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Cusub ee Hirshabeelle oo la filayo in Maanta la ansixiyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada Baarlamanka Hirshabeelle ayaa Maanta lagu wadaa in ay ansixiyaan Golaha Cusub ee Wasiirada uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Maxammed cabdi Waare.

Weriye ku sugan magaalada Jowhar ayaa PUNTLAND POST u sheegay in Xildhibaannadu ay Maaanta yeelanayan kulan aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo wasiirada,kadib markii la xalliyey khilaafkii ka dhashay magacaabistooda.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Hirshabeelle ayaa horay u dhaliilay qaabka uu madaxweyne Waare u magacaabay Golaha Wasiirada Cusub,waxayna ku eedeeyeen in uusan raacin saami qaybsiga saxda ah ee dhammaan beelaha dega Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxammed ayaa maalin ka hor xidhibaannada ku wargeliyay kulankaan aan caadiga ahayn,waxaana warar hoose sheegayan in xildhibaannada badankooda laga qanciyey dooddi ay ka qabeen magacaabista Golaha Wasiirada.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Cusub ee Hirshabeelle oo la filayo in Maanta la ansixiyo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this