Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug Oo Saldhig Booliis Ka Hirgelisay Deegaanka Bangeelle Ee Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay wuxuu saldhig Booliis ka hirgeliyey deegaanka Bangeelle oo u dhaxeeya degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Mahad Xasan Axmed oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulka Galmudug, ayaa sheegay in saldhiggan uu muhiim yahay,  islamarkaana ka qeybqaadan doono amniga deegaanka.

Wuxuu tilmaamay wasiirka, in saldhiggan dhismahiisa ay kaalin ka qaateen qurbejoogta deegaanka iyo maamulkooda.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ciidan Booliis ah ay geyn doonaan saldhiggaasi, kuwaa oo horey deegaanka loogu tabobaray.

Dhanka kale, deegaanka Bangeelle waxaa laga hirgeliyey iskuul hoose iyo dhexe ah, si carruurta deegaanka ay waxbarasho helaan iyaga oo deegaankooda jooga.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this