Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxgarad Ku Baxay Beello Ku Dagaallamaya Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxgaradka gobolka Sool ayaa markii ugu horreysay ku baxay beello walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanno ka tirsan gobolka Sool, si loo damiyo dagaalladan.

Waxaa waxgaradkan hoggaaminaya Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, iyaga oo tagi doona deegaannada lagu dagaallamay ee kala ah Qorilley, Cagaarre iyo Xoorre.

Garaad Jaamac ayaa sheegay in muhiimadda ay tahay in la badbaadiyo shacabka, la joojiyo dagaalka wax walbana lagu dhammeeyo wadahadal.

In ka badan 50 qof ayaa ku dhimatay dagaalladan ka dhacay gobolka Sool, waana markii Afaraad oo beelahan ku dagaallamayaan gobolkaasi.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this