Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Maanta Ka Furmaya Magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu si rasmi ah uga furmo shirka guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira.

Wariyaha Goobjoog ee gobolka Baay C/qaadir Warcadde ayaa soo sheegaya in laga dareemayo Baydhabo qaban qaabada shirkaan, iyadoo aad loo adkeeyay amniga guud ee magaaladaasi.

Shalay waxaa magaalada Baydhabo gaaray guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada kala ah Hirshabelle, Puntland iyo Galmudug.

Weli ajendaha shirkaan lama sheegin, hase ahaatee waxaa la filayaa in saacadaha soo aadan si rasmi ah loo shaaciyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this