Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Cusub ee Degmada Garowe oo shaaciyey qorshayaal cusub.

Recommended Posts

Deeq A.   

A.jpg?resize=600%2C338

Xoghayaha Cusub ee dowladda hoose degmada Garoowe,Maxamuud cali Guray ayaa markii ugu horraysay si faahfaahsan uga hadlay waxqabadkiisa ku aaddan horumarinta Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Mudane. Maxamuud Cali Guray oo Maanta ka hadlayey kulan is-barasho ah oo uu la qaatay mas’uuliyiinta dowladda hoose,ayaa sheegay in qorshihiisa waxqabadka uu ka bilaabi doono soo celinta nadaafada magaalada iyo furidda waddooyinka xiran,si ay u soo baxdo bilicda caasimadda Garoowe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu soo af-jari doono xirmaysiga baahsan ee lagu hayo dhulka xoola-daaqeenka ah ee ku wareegsan magaalada,islamarkaana uu banneyn doono dhammaan dooxooyinka u teedan(wareegsan) ashkhaasta gaarka ah.

Dhinaca amniga mar uu ka hadlayey ayuu ballan qaaday in uu samayn doono qorshe amni oo midaysan,kaasoo isku-xiraya dhammaan xaafadaha magaalada iyo xarumaha Booliiska,si looga hortago falalka nabad-gelyada dhaawacaya,gaar ahaanna dhalinyarada dhaca geysta.

Kulanka Maanta dhexmaray Xoghaya cusub iyo mas’uuliyiinta dowladda hoose Garoowe ayaa ujeedkiisu ahaa is-barasho iyo in la-isla qiimeeyo shaqada,waxaana Xoghayuhu kulankaas ka ballan qaaday in aanay sii shaqeyn doonin ciddii la ogaado in ay dayacday shaqadeeda.

PUNTLAND POST

The post Xoghayaha Cusub ee Degmada Garowe oo shaaciyey qorshayaal cusub. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this