Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn usoo dhoweeyay Kooxdii Jubbaland ee kusoo guulaysatay koobkii dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha  jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne kuxigeenada koowaad iyo Xubanaha golaha wasiirada,xildhibaanada barlamaanka jubbaland, Saraakiisha ciidamada iyo Kumanaan shacab oo ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa garoonka kismaayo kusoo dhaweeyay laacibiinta xulka jubbaland oo guul taariikhi ah ka soo gaaray tartankii dowlad gobolleedyada iyo gobolka banaadir.

Soo dhaweyntii ciyaartooyda ayaa ahayd tii ugu weyneyd uguna xiisaha badneed ee loo sameeyo mudanayaal la maamusay iyo dhammaan martidii kala duwanaa ee soo gaaray kismaayo,Shaqada garoonka diyaaraha ayaa loo kali yeelay maanta soo dhaweynta ciyaartoyda jubbaland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo koobka ka gudoomay xulka ayaa ugu hambalyeeyay xulka iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee Muqdisho u tagay niyad dhiska iyo dhiiro galinta laacibiinta xulka Jubbaland.

Madaxweynaha jubbaland ayaa sheegay in jubbaland ay ehel u tahay kubadda cagta ayna taqaan sida loogu guuleysto koobabka.

Soo dhaweyn kadib waxaa loo galbiyay hoolka shirarka ee daawad halkasoo qado sharaf loogu sameyay ciyaartoyda xulka Jubbaland iyo dadweynihii kaqayb galay soo dhaweynta ciyaartooyda,waxaana kala qayb galay madaxda ugu sareysa Jubbaland.

26062986_825565474282302_894356444_o.jpg 26062635_825564657615717_45094858_o.jpg 26102385_825565594282290_2031797159_o.jp 26101937_825565367615646_1255631014_o.jp 26102385_825565594282290_2031797159_o-1. 26062635_825564657615717_45094858_o-1.jp 26062986_825565474282302_894356444_o-1.j 26101937_825565367615646_1255631014_o-1. 26102328_825565744282275_1900634720_o.jp

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this