Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaradda caafimaadka Puntland iyo wasaaradda caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya oo kawada tashanaya qorshaha caafimaadka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar Nuur oo socdaal 3 cisho qaadanaya ku timid Garowe, ayaa sheegtay inay dowladda Puntland kala hadlayso dajinta qorshayaasha caafimaadka Soomaaliya ee shanta sano soo socota.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ayaa maanta booqatay xarunta wasaaradda caafimaadka waxayna halkaasi uga qeyb gashay shir ku saabsan tababarida kooxo gobolada loo dirayo oo soo aruurinaya xogta caafimaadka Puntland.

Fowsiyo Abiikar waxay sheegtay barnaamijkaan ay uga qeyb gashay magaalada Garowe inuu yahay barnaamijka sahminta caafimaadka Soomaaliya, kaasoo ah qorshe horey usoo socday oo maalinta berrito lasoo gabagabayndoono.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr, Cabdinaasir Cuuke, ayaa sheegay inay Puntland maalmahaan marti galinaysay shirar muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka Soomaaliya. Dr. Cuuke ayaa soo dhoweeyay in wasiirka caafimaadku timaado magaalada Garowe, si ay qeyb uga ahaato dadaalada wasaaraddu wado ee ku saabsan dajinta qorshaha horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Maalinta berrito ayaa la filayaa inay labada wasiir ay qabtaan shir jaraa’id oo kusoo bandhigayaan waxyaabaha labada wasaaraddood isku afgarteen, iyagoo sidoo kale baaq udiridoono hay’addaha si taageero dhaqaale loogu helo qorshaha caafimaadka Soomaaliya shanta sano soo socota.

Halkaan ka dhegayso codka wasiirka caafimaadka Soomaaliya.

      Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Fowzia Abiikar Nuur

Halkaan ka dhegayso codka wasiirka caafimaadka Puntland.

      Wasiirka caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this