Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News– Dowlada Qatar oo Boqol Milyan oo dollar u balan qaadey Raysal Wasaare Kheyre si loola dagaalanka Cidwalba oo taageersan Emaaraatka iyo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   


IMG_5232.jpg
Xog muhiim ah oo aan ka helnay illo Dublamaasiyadeed ayaa Warbaahinta Puntlandi u xaqiijiyey innDowlada Qatar ay Aduun badan ku bixinayso Sidii Soomaaliya looga cirib tiri lahaa Kooxaha u janjeera Dhinaca Xulufada Sacuudiga iyo Emaaraatka.

Xogtaan aan helnay waxay sheegaysaa in Dowlada Qatar ay laba bilos ka hor kernen Muqdisho lacag gaaraysa 35 Milyan oo dollar, Si Howlgalkaan baaxada weyn loogu bilaabo.

Waxaa jira iyana 65 Milyan oo kale oo Qatar ay balan qaadeen iney keenayaan bilowga Sanadkaan soo socda 2018-ka. Hadii ay arkaan in Howlgalku bilaabmay.

Sida aan xogta ku heyno waxaa jira 5 shaqsi oo u dhexeeya Qatar iyo Raysal wasaaraha kuwasoo lacagta iyo macluumaadka kasoo qaada Qatar si looluga dagaalamo Xiriirka Soomaaliya,Sacuudiga iyo Emaaratka.

Waxaa jira iyana Wafdi Dowlada Federaalka ah oo dhowaan u bixi doona Doha kuwasoo qayb ka ah ololaha ay Qatar kula dagaalameyso Maamul Goboleedyada Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta u janjeera Dhinaca Emaaraatka iyo Sacuudiga.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka iyo NISA ayaa wafdiga qayb ka noqon doona.

Puntlandi
Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this