Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo xukun toogasho ah ku fulisay 5 Ruux oo la eedeeyay (Magacyada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in qeybo kamid ah Gobolka ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku toogteen dad dhan 5 ruux.

Maleeshiyaadka ayaa toogashada ku fulisay Shanta ruux oo ay ku eedeeyen inay la shaqeyn jireen Hay’adaha Sirdoonka Somalia iyo kuwa reer Galbeedka ah.

Xukunka dilka toogashada ah ayaa ka dhacay Degaanka Iidaale oo qiyaastii magaalada Baydhabo ujira 60-KM, waxaana si gaara loogu eedeeyay inay la kala shaqeyn jireen Mareykanka, DF, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Qaadiga Maleeshiyada ee Baay iyo Bakool ayaa goobta dilka ka sheegay in 5-ta ruux lagu helay dambigii lagu soo oogay, kadibna lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa oo lagu xukumay.

Eedeysanayaasha lagu fuliyay xukunka dilka ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:

1-Mahad Cali Xasan oo Shabaab ay sheegeen inuu la shaqeynayay ciidamada Bancroft ee Maraykanka uu tababaray.

2-Jibriil Saalax Xaaji Maxamed oo la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka.

3-Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.

4-Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda.

5-C/casiis Ibraahim Maxamed uu la shaqeynayay maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa lagu eedeeyaa in inta badan ay xukuno khaldan ku ridaan shaqsiyaadka iyaga ka tirsan oo ay u arkaan inay caqabad ku yihiin howshooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Al-Shabaab oo xukun toogasho ah ku fulisay 5 Ruux oo la eedeeyay (Magacyada) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this