Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad cusub: Diyaaradaha Imaaraadka oo laga mamnuucay Hawada & Garoomada Tunisia +Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraala oo kasoo baxay Wasaaradda gaadiidka Tunisia ayaa waxaa lagu mamnuucay dhammaan diyaaradaha dalka Imaaraadka ee isticmaala Hawada iyo Garoomada Tunisia.

Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in ilaa iyo amar danbe diyaaradaha iyo dhammaan duulimaadyada Imaaraadka laga mamnuucay Garoomada Tunisia.

Amarka Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay inuu dhaqan gali doono manta oo ay taariikhdu tahay 25 December, 2017.

Xiisada labada dal ee dhanka duulimaadka ah ayaa timid kadib markii Imaaraadka Carabta ay si KMG ah u joojiyeen safarka haweeney Tunisian ah iyada oo aan wax faahfaahin dheeri ah laga bixin waqtigaas, taa oo keentay inay ka carooto Tunuusiya.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa sababta dib dhaca Safarka Haweeneydaas ku sheegtay arrimo la xiriira dhanka amaanka.

Dhinaca kale, Wasaarada Arrimaha Dibadda Tunisia ayaa sidoo kale u yeertay Safiirka u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta, wallow aan xiisadaani weli lasii buun-buunin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xiisad cusub: Diyaaradaha Imaaraadka oo laga mamnuucay Hawada & Garoomada Tunisia +Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this