Sign in to follow this  
Deeq A.

Arin cusub: Diyaarad siday Horjoogayal & Maleeshiyaad ka goostay Shabaab oo ka caga dhigatay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarun KMG maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in halkaa ay ka degtay diyaarad nooceeda uu yahay Helicopter oo siday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ay ka goosteen al-Shabaab, waxaana lasoo sheegayaa inay ku jiraan kuwo caan ka dhex ah Shabaabka.

Diyaaradan Helicopter-ka ah ayaa waxaa la socday Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo xaqiijiyay in maleeshiyaadka ay baxsad ka ahaayen Shabaab.

Taliyaha Howlgelinta Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, Cabdulle Isaaq, oo kamid ahaa saraakiishii Baydhabo ka dejisay Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka kale ayaa sheegay in isa soo dhiibidoodu tahay mid ku imaaday wadahadal.

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in laga soo qaaday magaalada Diinsoor oo xiligaan Saldhig u noqotay maleeshiyaadka baxsadka ah ee al-Shabaab.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Horjooge ka tirsan al-Shabaab oo lasoo baxsaday  Gaari Cabdi Bille iyo Hub.

Dhinaca kale, Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka diyaarada looga qaaday magaalada Diinsoor ee laga dajiyay Baydhabo ayaa waxaa maalintii Khamiista ahey kasii horeeyay Horjooge kale oo lagu magacaabo Macalin C/raxmaan iyo 5 ilaalo u aheyd.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Arin cusub: Diyaarad siday Horjoogayal & Maleeshiyaad ka goostay Shabaab oo ka caga dhigatay magaalada Baydhabo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this