Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Dalka Yemen oo ku Hanjabay in ay Duqeynayaan Magaalada Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Berbara (Caasimadda Online) – Muuqaal lagu baahiyay Baraha Bulshada  oo ay soo duubeen shan nin oo yemeniyiin ah ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ay ka warqabto dhaqdhaqaaqyada millateri ee Imaaraatka Carabta iyo xulafadiisu ay ka wadaan Magaalada Berbera ay si dhow ula socdaan islamarkaana ay dhaawac ku keenayso nabada ka jirta Somaliland.

Nimankaasi oo luqada Carabiga ku hadlayay waxay sheegeen in Somaliland ay ka noqoto go’aankii ay hore ugu ogolaatay Imaaraadka saldhiga millateri ee Berbere haddii ay sameyn waayaan gantaalaha ay ku garaacayaan dalka Sacuudiga ay ku garaaci doonaan Magaalada Hargeysa.

Waxay ugu baaqeen xukuumada Cusub ee Somaliland qabsatay inay ka laabato heshiiskaasi.

Muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada ayaa cabsi ku abuuray shacabka ku nool Somaliland, maadaama dekada Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee Somaliland ku nooshahay ay 200KM u jirta biyaha Yemen.

Xuutiyiinta dagaalka kula jira dowlada Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa laga cabsi qabaa inay weeraro ka geystaan biyaha badda Berbera iyagoo ka hortagaya  duulaan xulafada sacuudigu kaga soo qaadaan Xeebta Magaalada Berbera.

Xukuumada Somaliland ayaa Emaaraatka Carabta ku warerjisay saldhiga milateri oo ku yaala Berbera bishii April ee sanadkan kaasi oo shacabka ku nool deegaanadaasi kasoo horjeesteen go’aankaasi ay gaadhay xukuumadu..

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xuutiyiinta Dalka Yemen oo ku Hanjabay in ay Duqeynayaan Magaalada Berbera appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this