Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad u sameeyey Guddoomiyaha barlamaanka Puntland iyo Wafdigiisa Muqdisho ku sugan..

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo ayaa casumaad u sameeyey Guddoomiyaha iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka dowladda Puntland kuwaas oo Magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka Wada tashiga Baarlamaanada heer Federaal iyo heer dowlad Gobeleed.

Sidoo kale, casumaaddan waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Qaranka xoojinta iyo dar-dargelinta  wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland iyo in sidii loo dhammaystiri lahaa arrimaha muhiimka ah ee ay ka mid tahay dhammaystirka dastuurka, hirgelinta doorashooyinka sanadka 2020 iyo xoojinta hannaanka Federaal ee dalka.

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay joogteynta kulamada iyo shirarka ay la qaadanayan Baarlamaannada heer dowlad Gobeleed taas oo dhabbaha u xaareysa dhammaystirka howlaha qabyada ka ah nidaamka Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda Puntland Guddoomiye Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay kaalinta mugga leh ee Puntland ay ka qaadatay hirgelinta hannaaka Federaal iyo dib u kabashadiisa dalka.

25591672_1948310828765409_63791615277258

jjjj-1.jpg kkkk.jpg

 

 

 

 

 

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this