Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Al-shabaab Toogtay Dhallinyaro uu ku eedeeyeen inay Basaasiin u ahaayeen DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda_Al-shabaab_Somalia.jpg?resize=836Baydhabo (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla Deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogteen shan qof oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada dalka ka jira qaarkood iyo Dowlado shisheeye.

Dadweynaha ku nool Iidaale ayaa la isugu keenay Fagaaraha ay Toogashadu ka dhacday, waxaana la sheegay in shanta ruux oo dhammaantood rag ahaa ay la kla shaqeynayeen; Maraykanka, Dowladda Soomaaliya, maamullada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, waxayna dhammaantood ku sheegeen inay ahaayeen jawaasiis.

Shanta Ragga ah ee la Toogtay ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen; Mahad Cali Xasan, Jibriil Saalax Xaaji Maxamed, Mahad Cabdi Axmed, Maxamed Cali Aadan iyo C/casiis Ibraahim Maxamed.

Dhallinyaradan ayaa waxay ahaayeen dhammaantood dhallinyaro da’adoodu u dhexeyso 20-sano illaa 30-sano, waxaana toogtay dhallinyaro Al-shabaab ka oo wajiyadu u qarsoonaayeen.

Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa marar badan ooh ore sidaan oo kale u toogtay dhallinyaro ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiis, kuwasoo la shaqeynayay Dowladda Somalia iyo waddamo shisheeye.

PUNTLAND POST

The post Ururka Al-shabaab Toogtay Dhallinyaro uu ku eedeeyeen inay Basaasiin u ahaayeen DF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this