Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Xaaji Warsame oo ku baaqay in xal degdeg laga gaaro colaada howdka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Cali Xaaji Warsame, oo katirsan siyaasiyiinta Puntland, ayaa ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro colaada ka taagan howdka gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen beelo walaalo ah.

Cali Xaaji oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha isagoo ku sugan Nairobi, ayaa wuxuu sheegay sababta colaadaan soo celisay inay ugu wacan tahay fulin la’aanta heshiiskii dhexmaray labada beelood, wuxuuna sheegay inaan cidina lagu eedayn karin inay colaada bilowday.

 

“Inaa Lilaahi Wa Ileyhi Raajicuun. Waxaan Illaahey uga baryayaa ragga ku dhintey shaqaaqada Hawdka, ee ay ku dirireen labo beelood oo wada-dhashey, in uu naxariisto, innagoo dhanna samir iyo iimaan naga siiyo, iyaga iyo kuwii ka horeeyeyba, inta dhaawaca ahna uu degdeg u caymiyo oo u booga-dhayo,” ayuu yidhi Cali Xaaji.

Wuxuu sheegay arrinta dhacdey inaysan ahayn ugub lana filayay duruufaha taagan dartood in ay imaan karto. Wuxuu codsaday inaan lagu degdegin dil iyo aargoosi dad ehel ah oo hore dhibkaan oo kale u gaarey. “Yaan dhib laga dooran nabadda iyo ehelnimadda. Waxaan rajeynayaa in caqligu caadifadda iyo xanuunka ka hormaro, oo uu xakameeyo.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Cali xaaji ayaa ugu baaqay dowladda Puntland iyo cid kasta oo arrintaan xalkeeda qeyb ka qaadan karta in laga shaqeeyo nabadda, wada-noolaanshaha iyo in wixii dhaca laga heshiiyo.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this