Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo Jowhar kula Kulmay Xildhibaano Diidan Ansixinta Wasiiradiisa Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Jowhar ee xarunta KMG ah ee Maamulka Hir Shabelle ayaa xalay waxaa ka dhacay kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha maamulka Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaanada Hir Shabelle.

Shirkaan oo ah mid Xasaasi ah ayaa waxaa dibad joog ka ahaa Saxaafada ka howlgasha hir Shabelle gaar ahaan magaalada Jowhar oo loo diiday in shirkaasi ay ka qeeybgalaan.

inta kulanka uu socday ayaa Madaxweyne Waare iyo Xildhibaanada si toos ah uga wada hadleen ansixinta Wasiirada cusub ee Hir Shabeele oo Xildhibaanada ay diideen in ay ansixiyeen.

Madaxweyne Waare ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ansixiyaan wasiirada Cusub si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Saacado Dheer oo wada hadal ah kadib Wararku waxa ay sheegayaan in xoogaa is afgarad ah uu dhacay.

Xildhibaanada Hir Shabelle ayaa la xasuustaa in ay xilka ka tuureen Madaxweynihii hore ee Hir Shabbelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Madaxweyne Waare oo Jowhar kula Kulmay Xildhibaano Diidan Ansixinta Wasiiradiisa Cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this