Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada gobolka Nugaal oo xukuno labo sanno ah ku riday lix dhalinyaro ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal, ayaa xukun ku riday lix dhalinyaro ah oo lagusoo eedeeyay inay ku kaceen falal amniga iyo xasiloonida qalqal galinayay.

Maxkamada ayaa dhalinyaradaan ku riday xukun labo sanno ah, kadib markii lagu helay inay dhaawac ugeysteen, islamarkaana ay ka furteen moobaylkeedii Dhibbane lagu magacaabo Sundus Cabdiraxmaan Maxamed.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud, Maxamed xareed Cali, ayaa sheegay dhalinyaradaan la xukumay inay ahaayeen arday maalintiina waxbarta habeenkiina caadaystay inay dadka jidadka u galaan oo ay furtaan.

Maxamed Xareed ayaa waalidiinta ugu baaqay inay ubadkooda la socdaan islamarkaana laamaha ammaanka kusoo wargaliyaan haddii ay falal nuucaan oo kale ah ku arkaan, si dhaqan celin loogu sameeyo, loogana hor istaago wadada xun ee ay ku socdaan, dadkana looga badbaadiyo dhibaatada ay ku hayaan.

Magacyada dhalinyarada la xukumay.
Saacid Cabqaadir Xasan, Ina Xiddo Xasan, lagu xukumay 2 sanno.
Cabdinajiib Maxamed Cabdiraxmaan, Ina Seynab Cabdiraxmaan, lagu xukumay 2 sanno.
Maxamuud Cabdiqaadir Xuseen, Ina Shariifo Xasan, lagu xukumay labo sanno.
Cabdifitaax Salaad Maxamed , Ina Aamino Warsame, lagu xukumay labo sanno.
Shaakir Cabdi Noor Maxamed, Ina Raxmo Warsame, lagu xukumay labo sanno.
Jaamac Cabdi Jaamac, Ina Maandeeq Maxamuud, lagu xukumay labo sanno.

Booliiska Garowe, ayaa gacanta ku haya dhalinyaro badan oo maxkamad sugayaal ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay habeenkii dadka furtaan.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this