Sign in to follow this  
Deeq A.

K/galbeed: Saraakiisha Oo Sheegay Inuu Isku Soo Dhiibay Sarkaal Al-shabaab Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha maamulka K/galbeed ayaa sheegay in uu  isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab, kadib markii uu lasoo xiriiray maamulkaasi.

Cabdulle Isaaq oo ah taliyaha howlgelinta ciidamada K/galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in sarkaalkan uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka gaadiidka, islamarkaana ma aanu sheegin magaciisa.

Sarkaalkan ayaa iska dhiibay degmada Diinsoor, waxaana la sheegay in diyaarad Helicopter ah lagu keenay magaalada Baydhabo, isagoo la tilmaamay in markii uu soo goosanayey uu watey gaari nooca dagaalka ee Cabdi Bilaha iyo qori AK-47.

Taliye Isaaq ayaa sheegay in shaqsigan isku soo dhiibay ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan, islamarkaana sida uu isaga rabo loo sameyn doono.

Khamiistii ayeey ahayd markii magaalada Baydhabo uu iska dhiibay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab, laguna magacaabayey Macalin C/raxmaan, waxaana la socday 5 kamid ah ilaaladiisa.

Al-shabaab kama aanay hadal saraakiishan dhankooda kasoo baxsaday ee isku dhiibay K/galbeed.

Goobjoog News

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this