Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo Heegan galisay Amaanka Dalkeeda iyo Cabsi laga qabo Weeraro Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Magaalooyinka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Amaanka ee dalka kenya ay heegan buuxa galiyeen magaalooyinka Dalkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in arintaasi ay timid cabsi ku aadan weeraro ka yimaado Al-Shabaab xili dalkaasi ay ka dhacayaan Xaflado ay ugu dabaaldagayaan Ciida Masiixiga.

Meelaha aad amaanka loo adkeeyay waxaa kamid ah Gobolka Woqooyi bari ee kenya halkaasi oo magaalooyinka ciidamo aad u badan lagu soo daadiyay.

Ciidamada ayaa si feejigan waxa ay u taaganyihiin wadooyinka iyaga oo baaraya gaadiidka iyo qaar kamid ah xaafadaha.

Dalka Kenya waxaa ka dhaca weeraro qorsheeysan oo ay geeystaan Al-Shabaab.

Dowlada kenya ayaa isku dayeeysa in ay xaqiijiso amaanka wadankeeda oo ay ku soo badanayaan falalka amni daro.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Kenya oo Heegan galisay Amaanka Dalkeeda iyo Cabsi laga qabo Weeraro Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this