Sign in to follow this  
Deeq A.

Sambaloolshe oo culeys kala kulmaaya dib u hanashada Kursiga BFS ee uu ku waayay NISA (Maxaa soo kordhay?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia ee xilkiisa waayay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa dadaal xoogan ugu jira sida uu dib ugu soo ceshan lahaa Xubinimadiisa BFS.

Sambaloolshe oo Xildhibaaninamadiisa ku waayay xilka Agaasimenimo ee NISA, ayaa iminka bilaabay ololo uu ku doonayo inuu dib ugu hanto kursigiisa Xildhibaannimo.

Sambaloolshe ayaa la xaqiijinayaa in mar kale uu u tartami doono doorashada Kursiga BFS ee uu ku waayay xilkiisa NISA, waxa uuna iminka gaaray magaalada Jowhar si uu uga qeybgalo doorashada.

Sambaloolshe ayaa waxaa socdaalkiisa magaalada Jowhar ku wehlinaaya tirro Ergo ah iyo C/fataax Xasan Afrax oo ay isku beelyihiin.

Sambaloolshe oo ka cabsi qaba loolanka uu kala kulmi karo C/fitaax Afrax, ayaa waxa uu dadaal ku bixinayaa sida uu xil kale ugu raadin lahaa C/fitaax Afrax oo ku heysta xilka.

Xilka uu Sambaloolshe doonaayo inuu ku qanciyo C/fataax Afrax ayaa ah in mar kale dib loogu celsho Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ama xil kale.

Ma cadda sida uu Sambaloolshe uga badbaadi doono loolanka lagula jiro ee uu ku doonaayo in mar kale uu ku hanto Kursiga BFS ee uu waayay.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com

The post Sambaloolshe oo culeys kala kulmaaya dib u hanashada Kursiga BFS ee uu ku waayay NISA (Maxaa soo kordhay?) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this