Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo GaadhayMagaalada  Gaalkacayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 24 December 2017 safar shaqo ku gaadhey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ka hor inta aanay soo gaadhin magaalada Gaalkacayo soo kormeereen dhismaha waddada Garoowe- Gaalkacayo oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa magaalooyinka Xarfo, Bacaad-weyn iyo Cagaaran oo dhammaantood ka tirsan gobolka Mudug, isla markaana waxaa ka qayb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa maamulka gobolka Mudug,  isimo, cuqaal , nabadoono, waxgarad iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka magaalooyinkaasi.

weftiga Madaxweynaha ee kasoo kicitimay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa waxaa caasimadda gobolka Mudug kusoo dhoweeyey maamulka gobolka, maamulka degmada,  Talihaya ciidamada daraawiisha Puntland iyo saraakiil ka tirsan qaybta 21 ee ciidamada DFS,  isimo, cuqaal , nabadoono, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Magaalada Gaalkacyo.

Madaxwaynaha Dawladda Dawladda Puntland  oo warbaahinta lahadlay markii uu soo gaadhay magaalada Galkacyo ayaa waxa uu sheegay.in uu ku faraxsanyahay imaantinkiisa magaalada Gaalkacayo,  waxaana uu xusay Madaxwaynuhu in isaga iyo weftigiisu ay muddo sadex cisho ah ugu sugnaayeen magaalada Buurtinle daminta xaaladi ka aloosnayd hawdka gaar ahaan deegaanka Cagaare.

Sidoo kale Madaxwaynaha Puntland ayaa mahad balaadhan ujeediyay masuuliyiinta leh heer federaal, Puntland iyo Galmudug ee kashaqeeyay nabadaynta, xasilinta,isdhexgalka shacabka magaalada Gaalkacayo, islamarkaana waxaa uu Madaxwaynuhu ku booriyay masuuliyiinta,  waxgaradka, isimada, nabadoonada magaalada Gaalkacayo in ay si wada jira uga wada shaqeeyaan horumarka, nabad-gelyada iyo xasiloonida Magaaladooda.

“Waan ku faraxsanahay in aan nimaadno magaalada Gaalkacayo oo nabad ah oo colaad iyo wax shidda ah aysan ka jirin, roobsatay oo barwaaqo ah, waxaan filayaa hadii aad joojisaan colaada in Alle ‘SWC’  raxmadiisa idiin badinayo hadii aad waadaan colaada waxaa sii badanaya nusqaamidda raxmadda Alle, wanaag haddii lasameeyo wanaag baa lahelayaa, dhibaato haddii la abuurona dhibaato ayaa lahelayaa”. ayuu yiri Madaxwaynaha dawladda Puntland.

“Waan rajaynayaa nabadda aad isku afgarateen inay ahaato mid dhaba, mid waarta, mid xasilooni gobolka u horseedda, si markaa ay dadku horumar iyo wanaag dawladnimo ugu jeestaan wixii anaga dhankayaga ka dawladd ahaan iyo ka xukuumad ahaanba nagu xidhma waan ka qayb qaadan doonnaa” ayuu yiri Madaxwaynaha Puntland.

Ugu danbayn, Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka gobolka Mudug ee soo dhaweeyay maanta uga mahadnaqay soo dhawaynta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa, isla mar ahaantaana waxa uu Madaxwaynuhu kula dardaarmay in ay kawada shaqeeyaan nabadda, horumarka, kala danbaynta, iyo xasiloonida guud ahaan Gobolka.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

5I2A1762.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1789.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1836.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1859.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1868.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1888.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1927.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1947.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1980.jpg?resize=1000%2C667 5I2A1998.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2022.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2038.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2056.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2066.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2147.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2159.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2169.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2233.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2266.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2278.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2283.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2286.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2315.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2320.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2351.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2377.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2421.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2427.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2445.jpg?resize=1000%2C667 5I2A2474.jpg?resize=1000%2C667

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo GaadhayMagaalada  Gaalkacayo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this