Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo-Baaq Loo Diray Beelo Ku Dagaalamaya Hawdka Gobolada Sool iyo Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post]-Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Oo ay hurmuud ka yihiin Culimada Somaliyeed Ayaa Baaq u Diray Dad Walaalo Ah Oo Shaqaaqo Ku Dhex Martay Deeganada Qoriley Iyo Gumburka Cagaare Ee Gobalada Sool Iyo Nugaal Ee Puntland.

Kulankan Ay Xubnaha Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ay Iskugu Yimaaden Waxay Ku Muujiyeen Inay Ka Xunyihiin Colaadan Soo Laa Labatay Ayna Ku Dhimanayaan Dad Hormuud U Ah Bulshada.

Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur Gudomiye Ku Xigeenka Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ayaa Ku Baaqay In Dhiiga Daadanaya La Joojiyo Nabadana Laga Wada Shaqeeyo.

Wuxuu intaas ku daray in dadka dhibaatada wada Aakhiro uu ALLE kala xisaabtamayo, isla markaana uusan EEBE raali ka ahayn in qof Islaam ah si macno daro ah lagu dilo.

Maxamuud Faarax Bille Ayaa Dhankiisa Warbaahinta Ugu Baaqay Inaysan Buun Buunin Shaqaaqadasi Waxa Uu Sido Kale Odayaasha Dhaqanka Ugu Baaqen Inay Arintan Dhex Galaan.

Odayaasha Dhaqanka Siyaasiyiinta Culimada Iyo wax garadka Bulshada Ayaa Si Wada Jira Baaqan Ugu diray dadka Walalaha ah ee Degaanka Howdka Gumburka Cagaare Wada Dega Inay Joojiyaan Shaqaaqadan.

Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ayaa Ka Shaqaynaya Sidii Loo Suulin Lahaa Qabyaalada Dadka Somaliyeedna Layskugu Soo Dhawayn Lahaa.

Taliyaha-Badda-24.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-25.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-26.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-27.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-28.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-29.jpg?resize=1000%2C563

The post Daawo-Baaq Loo Diray Beelo Ku Dagaalamaya Hawdka Gobolada Sool iyo Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this