Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Dowladdaha xubnaha ka ah DFS oo xiriirkii u jaray kooxda xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed kuna baaqay in la dhiso xiriir waafaqsan nidaamka federalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Puntlandi) Dowladdaha xubnaha dowladda federalka, gaar ahaan wasaaraddahooda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa maanta magaalada Muqdisho kasoo saaray go’aan xiriirka loogiu jaray kooxda xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaraddahaan ayaa lagu sheegay tan iyo burburkii kadib, in xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ay iska maamulanayeen koox gaar ah oo kaga faa’idaysatay nidaam la’aanta waddanka ka jirtay islamarkaaana jeebka ku shuban jiray dhaqaalihii caalamka ugu talo galay in lagusoo nooleeyo isboortigii Soomaaliya.

Waxaa kaloo ay sheegeen in qaab dhismeedka uu haatan u dhisan yahay xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed uusan ahayn mid ka tutjumaya nidaamka federalka uu dalku qaatay.

Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka.

25659745_574012906267652_815843242588042

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this