Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta keentay inay Ciidamada Kenya lacag ka qaadaan Shacabka Beled-Xaaw?

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Nabaddoon Cali Bidaar oo ka mid ah Odayaasha Beledxaawo ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in marka Dadka Beledxaawo ay doonayaan dhinaca Mandheera ay lacag ku gudbaan mar waliba.

Magaalooyinka Mandhera iyo Baled Xaawo oo isa saaran ayaa dadka Baled Xawo waxa ay u waxbaarasho iyo adeeg doontaan Magaalada Mandhera, balse ciidamada Kenyan-ka ayaa la soo sheegayaa in haddda lacag dhan nus doolar ay ka qaadayaan qofkii u gudbaya dhanka madhera.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ee jooga goobta kala qeybisa labada Magaalo ay qaataan lacag dhan $0.5 Doollar ama Nus doollar.

Nabaddoonka ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay mar waliba qaataan lacagtaas Nus doollarka ah,sidoo kalena qofka marka uu gelato iyo marka uu ka baxayaba ay lacag tahay.

Shacabka Degmada Baled Xaawo, ayaa walaac ka muujiyay arintaan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay maamulka Gobolka Gedo inay soo farageliyaan dhibaatooyinka Baled Xaawo ka taagan.

Halkaan hoose ka dhageyso codka Nabadoonka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Baled-Xaawo.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Maxay tahay sababta keentay inay Ciidamada Kenya lacag ka qaadaan Shacabka Beled-Xaaw? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this