Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Senotor Cabdiraxmaan Faroole oo baaq nabadeed kasoo saaray colaada howdka koonfurta Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Farole ahna Senator katirsan barlamaanka aqalka sare ayaa maanta baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka socda howdka gobolka Sool.

Cabdiraxmaan Faroole waxaa uu dowladda iyo shacabka ujeediyey in loo istaago sidii loo xalin lahaa colaadaan, wuxuuna dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay inay ka waan toobaan colaada dhextaal oo ay xaliyaan.

Isagoo ka hadlay Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa Senetor Faroole ka sheegay in dagaalka hadda soo cusboonaaday uu yahay mid laga xumaado, oo si mcno darro ah lagu daadinayo dhiiga shacabka.

“Waxaan aad uga naxsanahay in Madaxweynaha Puntland isagoo jooga degmada Burtinle oo nabada ka shaqeynaya ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen dagaallo deegaanada,” ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeya sidii loo demin lahaa Colaadda ka taagan deegaanada hadda Cagaarre iyo Qoriley ee sababay dhimashada iyo bakaraca shacabka.

Odayaasha, Waxgaradka, Culimada, Siyaasiyiinta iyo Isimida ayuu ugu baaqay Faroole inay iska kaashadaan soo afjarida dagaalka, lana fuliyo heshiisyadii nabad ee horey loo gaaray, oo waxa dambana la daqab-qabto.

 

Halkaan ka dhegayso codka Faroole.

      faroole colaaddda

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this