Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso:-Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil Oo Jawaab Kulul siiyey Xildhibaan Fiqi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Cismaaciil oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan sheegay Xildhiban Axmed Macalin Fiqi ee ahaa in xeer ilaaliyaha Qaranka uu yahay nin soo galooti ah oo an u dhalan Soomaali.

Kadib weerarkii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishaakuur Warsame ayaa Xildhibaan Fiqi isaga oo hadlayay waxa uu sheegay in Axmed Cali Daahir uusan aheyn muwaadin Soomaaliyeed balse uu yahay Muwaadin Itoobiyan ah oo u bahan in baaritaan lagu sameeyo.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil ayaa sheegay in xiligaan lakala soocayo muwaadiniinta Soomaaliya,isla markaana Axmed Cali Daahir lagu tilmamay in uusan Soomaali aheyn taasina ay tahay wax cadaalada ka fog.

Waxa uu sheegay in Garsoorka dalka uu xushmad leeyahay isla markaana iyada oo Siyaasad kale la eegayo aan loo gefin Madaxda Garsoorka dalka,uguna baaqay in arrinkaas  dib looga laabto.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cabdulaahi-sheekh-ismaacil.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Dhageyso:-Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil Oo Jawaab Kulul siiyey Xildhibaan Fiqi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this