Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland oo kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Puntlandi) Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiydaha dowladda Puntland, Mohamed Abdi Farah (Qanbi), ayaa saakay kormeer shaqo ku tagay garoonka diyaaradaha Abdullahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Socdaalka agaasimaha ayaa ku saabsanaa u kuurgalida habsami u socodka shaqo ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, waana kormeerkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago Gaalkacyo, kadib magacaabistiisii.

Mohamed Abdi Farah (Qanbi), ayaa kulan la qaatay maamulka garoonka Gaalkacyo, isagoo ka wareystay xaalada garoonka, baahiyaha jira iyo in la fuliyo awaamiirta ku saabsan socdaalka ee ay dowladda Puntland horey usoo saartay si loo hubiyo ammaanka garoomada iyo la hubiyo dadka ka duulaya garoomada iyo kuwa soo galaya.

Wuxuu agaasimuhu ku bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha garoonka sida wanaagsan ee ay ugu shaqeeyaan bulshadooda, wuxuuna balanqaaday inay hay’adda socdaalku wada shaqayn joogto ah iyo taageero ufidindoonto howlwadeenada garoomada diyaaradaha Puntland, haday ahaan tababaro iyo qalabayn.

 

DSC00061.jpg DSC00060.jpg DSC00059.jpg DSC00055.jpg

DSC00064.jpg DSC00062.jpg DSC00061.jpg DSC00055.jpg DSC00058.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this