Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Wefti uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland C/salaan Bashiir C/salaan oo kormeeray Kastamka CanshuurahaTukaraq ee Gobolka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir kuxieenka oo kormeerka ay ku weheliyeen Xoghayaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale, waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay saraakiisha canshuuraha ee kastamka, Masuuliyiinta iyo qaybaha bulshada rayidka deegaanaankaasi Tukaqaraq.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ayaa warbixin ku aadan qaabka ay u socoto shaqadu waxa uu ka dhageystay masuuliyiinta kastamka Cashuuraha Tukaraq.

Weftiga Wasiirka ayaa mid mid u booqday qaybaha uu ka koobanyahay dhismaha weyn ee wasaaraddu ay u dhisayso Kastamkaasi, oo xiligan heer gaba-gaba ah maraya islamarkaana dhawaan la filayo in xariga laga jaro.

Xisaabiyaha gobolka Sool oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in soo booqdan weftiga wasaaradda maaliyadda ka socda ee uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka Maaliyadda.’’Mudane Wasiir farxad bay noo tahay inaad noo timaado adiga iyo weftigaagu.sifican ayey shaqadu u socota. dhismahana waa mashruucii ugu weynaa Puntland ay ka fuliso Gobolka Sool.” Ayuu yiri Eg,C/samad Keyse Daahir.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Axmed Jaamac Jawle oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay socdaalkooda uu salka ku hayo u kuur galida siduu u shaqeeyo kastamka, kaasi oo dhaqaalaha Puntland qayb ka mid ah uu kasoo xaroodo.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland mudane C/salaan Bashiir C/salaam ayaa sheegay in dhawaan lasoo gabagabeyn doono dhismahan casriga ah ee loo dhisayo kastamka tuulada Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana uu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo shaqaalaha kastamka inay si daacad ugu shaqeeyaan dalkooda.

15-1.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this