Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo ku dhawaaqay ujeedkii laga lahaa dilkii ay Xalay wiil dhallinyaro ah ugu geyteen Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faahfaahino dheeraad ah ay ka soo baxyaaan Dill xalay ka dhacay Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne,kaasi oo lagu dilay  mid ka mid ah Dhalinyaradii uu Shaqaaleysiiyay Maamulka gobolka Banaadir oo lagu Magacaabi jiray  Ayaanle Maxamed Dhuule.

Majirto cid loo soo qabtay dilka Wiilkaas Dhalinyarada ah ee xalay lagu dilay Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay Sheegteen Dilka ay u geysteen Wiilkan dhalin yarada ah oo la sheegay inuu ka tirsanaa Nabad Sugida Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay Marti gelisay Dilal qorsheysan eel ala beegsanayo Askarta ka tirsan ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo dadka Shacabka ee aan waxba galabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Al-Shabaab oo ku dhawaaqay ujeedkii laga lahaa dilkii ay Xalay wiil dhallinyaro ah ugu geyteen Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this