Deeq A. Posted December 24, 2017 Muqdisho – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nin dhalinyaro ah oo xalay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, waxayna dadka degaanka sheegeen in koox ku hubeysan Bistoolado ay toogasho ku dileen ninkan, kadibna goobta ka baxsadeen, waxaana wararku sheegayaan inuu ka tirsanaa maamulka G/Banaadir. Dadka degaanka ayaa ninka la toogtay oo dhalinyaro ahaa magaciisa ku soo koobay Ayaanle, waxaana goobta falku ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka, iyadoo muddo kadib ay dilkiisa sheegteen kooxda Alshabaab oo sheegtay inuu ka mid aha saraakiisha NISA. Warar kale ayaa sheegaya inuu ninkan ka mid ahaa shaqaalaha cusub ee Gobolka Banaadir uu ka qortayd degmooyinka, kuwaasoo lagu kenay barnaamijka shaqaaleynta dhalinyarada caasimadda. Caasimada.net Quote Share this post Link to post Share on other sites