Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo dheeraad ah oo laga helaayo weerar lagu qaaday Wasaarada Gashandhiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa lasoo sheegayaa inay weerar Bambaano ku qaaden Xarunta Wasaarada Gaashandhiga Somalia ee Xaafada Oodweyne.

Maleeshiyaadka weerarka ku qaaday Wasaarada ayaa la xaqiijiyay inay ku socdeen gaari nooca raaxada ah oo ay ka tuureen Bamka.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay inay maqleen Bamgacmeedyo ilaa afar ah oo inta badan ku dhaca Xarunta waxaana ka jawaab celiyay ciidamada ilaalada ka ah afafka hore ee Xarunta Oodweyne.

Ciidamada ayaa la sheegay in Bamgacmeedyada kadib ay dagaal kooban la galeen maleeshiyaad kale oo ku hubeysnaa qoryaha fudud.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kooban waxaana durbadiiba halkaa ka dhacay howlgal looga hortagaayay maleeshiyaadka.

Dadka deegaanka ayaa cabsi lixaad leh ka qaaday weerarka Bamgacmeedyada loo adeegsaday,waxaana halkaa ku dhintay ciidamo iyo maleeshiyaad qeyb ka ahaa weerarka.

Saraakiisha ciidamada Xoogga ayaan weli ka hadal weerarka iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana lagu wadaa inay kasoo baxaan faahfaahino.

Dhinaca kale, Wasaarada Gaashandhiga ayaa waxaa maalmahaan ku badnaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo kulamo kula qaadanaayay Saraakiisha ciidamada Xoogga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xogo dheeraad ah oo laga helaayo weerar lagu qaaday Wasaarada Gashandhiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this