Deeq A.

A new conflict is brewing between PM Kheyre & Mayor Taabid

Recommended Posts

Deeq A.   

Image result for Taabit Kheyre

 

Waxa sii xoogeystay Khilaafkii soo kala dhex galay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi. Labadan shaqsi ayaa kaalin muhiim ah kaga jira dowlada Madaxweyne Farmaajo, mana aheyn wax hada la filayay in khilaafkooda heerkaan uu gaaro laakiin Gudoomiye Taabid oo ka careysan sida dowlada ugu fadeexowday arinta Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ayaa Kheyre ka codsaday in lala yimaado Talaabo raali gelin looga bixinaayo gefkii dhacay. Kheyre ayaa kasoo horjeestay arintaasi, wuxuuna sheegay in Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur iyo siyaasiinta kale ee doonaya inay dowlada dumiyaan in gacan bir ah lagu qaban doono.

 

Guddoomiye ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Kheyre in Maamulka Gobalka lagu soo wargeliyo Talaabooyinka nuucaan markii dowlada ay qaadeyso, Laakiin Kheyre ayaa arintaasi ka carooday wuxuuna si cad u sheegay in Go’aanada nuucaan oo kale ah ay masuul ka tahay Xukuumadda Soomaaliya Maamulka Gobalka Banaadir aysan wax shaqo ah ku laheyn. Taabid waxay si weyn iskugu dhow yihiin Madaxweynaha waxayna taasi sii fududeyn kartaa Ra’iisul wasaare Kheyre inuu xafiiska baneeyo maadaama cadaadisyo badan lagu saarayo Madaxweynaha inuu bedelo Kheyre.

Arintan ayaa faa’iido weyn u noqon karta mucaaradka ku kacsan Dowlada Farmaajo, waxaana suurta gal ah in taageero badan uu helo Taabid maadaama Siyaasiyiinta mucaaradaya dowlada ay dhamaan u ordayaan kursiga Xasan Cali Kheyre

 

Source: widhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The failed mission has created many problems and I hope government officials can move beyond this and focus on the real issues facing the country. What is done is done. Let the nation move forward. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.