Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Waqooyi: Go’aanka Qaramada Midoobey Waa Go’doomin Ganacsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Kuuriyada waqooyi  ayaa ku tilmaantay maanta oo Axad, cunnu-qabateymah cusub  ee kaga yimid dhanka Qaramada Midoobay in ay tahay howl-dagaal.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa  ku sheegtay bayaan ay baahisay in cunno-qabateymaha qaramada midoobay uu ka horimaanayo danaha Kuuriyada Waqooyi waxayna ku tilmaanatay go’doon ganacsi oo ka dhan ah dalka.

Bayaanka wasaaradda ka soo baxay waxaa uu intaasi ku darayaa “ Mareykanka waxaa uu dareemayaa cabsi aad u daran  taasi oo ku saabsan guuleysiga arrinteena taariiqiga ah ee dhameystirka awoodeenna hubka wax gumaada”.

Arrintaan ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu shalay ku soo rogay cunnu-qabateyn Kuuriyada waqooyi taasi oo falcelin looga dhigayey gantaal ay tijaabisay.

Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa soo dhaweeyay go’aanka golaha ammaanka uu cunno-qabateynta ku saaray Kuuriyada waqooyi.

Trump ayaa bartiisa Twitterka ku qoray “ codeynta golaha ammaanka ee cunno-qabateynta Kuuriyada waqooyi  waxay sugeysaa in dunida ay dooneyso Nabad-gelyo aysan dooneynin dhimasho”.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this