Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan Looga Hadlayo Amniga Sh/dhexe oo ka socda Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Balcad ee gobolka Shabellaha dhexe waxaa ka soconaya kulan ballaaran oo looga hadlayo amniga guud ee gobolkaasi, waxaana ka qeybgalaya mas’uuliyiin kala duwan.

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, guddoomiyeyaal degmo iyo sidoo kale saraakiil ciidan ayaa kamid ah xubnaha kulankaasi ka qeybgalaya.

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in kulankaan diiradda lagu saari doono xaaladda guud ee amniga Sh/dhexe, gaar ahaan dagaal beeleedyada kusoo noqnoqday deegaanno hoostaga degmada Balcad.

Sidoo kale waxaa kulankaan looga hadli doonaa sidii loo dardargelin lahaa dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this