Sign in to follow this  
Deeq A.

Baashe Cabdullaahi Maxamuud Aw Cusmaan oo baaq nabadeed kasoo saaray colaada koonfurta Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

xcasxcas.jpg

Baashe Cabdulaahi Maxamudu Aw Cusmaan oo kamid ah Isimada Puntlabnd ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaalada udhexeeya beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya koonfurta gobolka Sool, halkaasi oo beryahaan ay ka taagnayd colaad geysatay khasaare nafeed.

“Ugu horeyn waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday colaadaan, waxaana marka labaad leeyahay dagaalka ha la joojiyo maadaama uusan labada dhinacba wax faa’iido ah u laheyn khasaare mooyee” ayuu yiri Baashe Cabdulaahi Maxamuud Aw Cusmaan.

Baashe Cabdulaahi ayaa si sharuud la’aan ah uga codsaday labada beeloodna ee walaalaha ee dagaalamaya  in ilaaheey laga cabsado oo la damiyo colaada ibliis hagayo oo diinta rabbi lagu xaarantinimeeyey.

“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan wax garadka, odayaasha, culima udiinka iyo dhalinyaradaba in ay ka qayb qaataan daminta colaada oo arrinta loo weeciyo laguna xaliyo xikmad iyo xasilooni, Ciddii sidaas uga qayb qaadata iyo ciddii sidaas aqbashaba ilaahay xagiisa ayaa laga karaamaynaya,” ayuu yidhi Baashigu.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this