Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Kenya oo digniin culus kasoo saaray haweenka aadka u qurxoon ee Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Sirdoonka dowlada Kenya ayaa markii ugu horeysay digniin culus kasoo saaray Haweenka qurqurxoon ee ku sugan Goobaha lagu caweeyo ee magaalada Niarobi iyo kuwa Gobolada.

Warbixin ay soo saaren Sirdoonka ayaa waxaa lagu sheegay in Haweenkaasi ay diiwaan gishteen maleeshiyaadka al-Shabaab isla markaana la doonaayo in loo adeegsado goobaha ku adkaaday maleeshiyada.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay dajiyeen qorsheyaal halis ah oo dhanka Sirdoonka ah, kuwaa oo la doonaayo in lagu waxyeeleeyo amniga Kenya.

Joseph Kanyiri oo ka mid ah Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in Sirdoonkooda ay digniin kasoo saaren Haweenka aadka u qurxoon ee kusoo qulqulaaya Kenya, waxa ayna tilmaameen in loo adeegsan doono fulinta Weerarada, Sirdoonka iyo in lagu shirqoolo shaqsiyaadka Muhiimka ah.

Sarkaalkan lagu magacaabo Joseph Kanyiri ayaa si gaara u sheegay in Haweenkaas ay ka howlgali doonaan goobaha lagu caweeyo ee magaalada Nairobi iyo Gobolka Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari Kenya.

Sidoo kale, Sarkaalkan ayaa intaa raaciyay in qorshaha Haweenkaas ay kamid tahay in xariir Saaxiibtinimo ay la yeeshaan ciidamada Kenya si ay u helaan xog dhanka Sirdoonka la xiriira.

Si kastaba ha ahaatee, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weeraro lixaad leh ka geysta dalka Kenya Gaar ahaan Caasimada iyo Gobolada muhiimka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

The post Sirdoonka Kenya oo digniin culus kasoo saaray haweenka aadka u qurxoon ee Nairobi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this