Sign in to follow this  
Deeq A.

Arag Sawirrada: Farmaajo oo tababar usoo xiray ciidamadii Turkiga ku tababaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta tababar u soo xiray Ciidamo cusub kuwaasoo ka mid noqon doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan ayaa Muddo bilooyin ah waxaa uu tababar uga socday Saldhiga dowladda Turkiga ee ku yaalla Muqdisho.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Saldhigga, waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Turkiga ee Muqdisho,Xildhibaano iyo Madaxweyne Farmaajo.

Ciidamadaan Maanta tababar loo soo xiray ayaa ah dabley, kuwaasoo uu Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in ay ka qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliayay tababarka ay siisay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee uu Maanta tababarka u soo xiray,waxa uuna Ciidamada kula dardaarmay in ay waajibkooda qaran gutaan.

Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa isna sheegay in dowladda Turkiga ay waligeed caawin jirtay Soomaaliya isla markaana ay xoojin doonto kana qeyb qaadan doonto tababarka Ciidamada Soomaaliya.

3-18.jpg?resize=696%2C522&ssl=11-22.jpg?resize=696%2C522&ssl=12-18.jpg?resize=696%2C522&ssl=12-69.jpg?resize=696%2C522&ssl=18-22.jpg?resize=696%2C464&ssl=12-18.jpg?resize=696%2C522&ssl=12-69.jpg?resize=696%2C522&ssl=18-22.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Arag Sawirrada: Farmaajo oo tababar usoo xiray ciidamadii Turkiga ku tababaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this