Sign in to follow this  
Deeq A.

40 qof oo loo xiray rabshado maalintii shalay ka dhacay magaalada Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Ciidanka dowladda Puntland ee amniga gobolka Nugaal, ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen magaaalada Garowe waxay gacanta kusoo dhigeen 40 dhalinyaro oo ku eedaysan inay ka qeyb qaateen rabshado magaalada ka dhacay maalintii shalay.

Taliyaha saldhiga dhexe ee Garowe, Dhamme, Maxamuud Muuse Bile, oo shir jaraa’id  u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in dadka lasoo qabtay ay ku jiraan kuwo lug lahaa bur burin, boob loo geystay xarumo ganacsi iyo sidoo kale isku dhac dhalinyaro oo sababtay dhaawacyo.

Taliyuhu wuxuu sheegay dadka falkaan ka dambeeyay inay ahaayeen kooxo tuugo ah oo ka faa’idaystay buuqii iyo saxawankii ka dhashay ciyaartii Puntland iyo Jubbaland ay wada ciyaareen, taasoo keentay in dadkii isugusoo baxay Garowe ay kusoo dhex dhuunteen kooxo jirri ah.

Taliyaha wuxuu wacad ku maray inay gacan bir ah ku qabandoonaan dadka falkaan ka dambeeyay ee maalin cadey usoo dhigtay inay dadka dhibaateeyaan, wuxuuna shacabka uga dhigay in garab lasiiyo dambiilayaasha

“Waxaa nagu balan ah cidii ka timaada eedeesanaha ama qabiil ku difaacda inaan iyagana xabsiga dhigidoona,” ayuu yidhi, taliyaha saldhiga.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this