Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho sidaa Caasimad ma ku sii ahaan kartaa?! Waxaa qoray Cabdfitaax Ashkir.

Recommended Posts

Deeq A.   

labadii Maalmood Ee tagay waxaa baraha bulshada la isla dhex-marayay hadal uu yiri Cabdirixmaan Cabdi Shakuur.
ugu horrayn, waxaan sannado Ka hor aqriyay buug la magac baxay (Naylul Al-Aamaal fii Taariikh Al-Soomaal) oo uu qoray wadaad Ashraaf ahaa oo la oran jiray “Al-Shariif Ceydaruus” oo buugiisa ku sheegay In Muqdisho ay ahayd laba Xaafadood oo kaliya, oo lakala oran jiray:Xamar-Weeyne iyo Shangaani, dadka deggan labadaa Xafadoodna waxay ahaayeen: Carab noocyo badan,Faarisiyiin,Shiyraasiyiin,dad asalkoodu bortaqiis yahay,iyo dad kaloo hareeraha magaalada dagganaa oo caanaha iyo hilibka keeni jiray.

Ereyga Muqdishana wuxuu leeyahay laba macne oo kala ah: “Maqcad Shaah” oo ah kursigii boqortooyada “Shaah” Ee Asalkoodu Iiraan yahay,iyo macnaha kaloo ah: (Maq Disscio” Meeshii fogayd,waxayna ahayd Xero Bortaqiisku dadka ku xiri jiray Abbaarihii qarnigii 14-Aad. Dhul-mareenkii Caanka ahaa Ee Ibnu-Baduudana markii uu soomaliya yimid Sannadkii1331 wuxuu sheegay in Xamar lagaga hadli jiray luuqad la oran jiray”Moqdashiya” iyo Carabiba,Moqdishiya waa lahjaddii dadkii Xamar weyne iyo Shangaani.

Xamar Cidda Marti-da loogu yahay waa dadkaas aan sheegnay Ee gibil-cadda ah.Bartamihii qarnigii tagayna waxaa Xamar ka arrimin jiray rag sagaal nin ahaa oo la oran jiray (Sagaalka Xaaji) ganacsatana ahaa, kana soo jeeday beesha Daarood.

haddaba,Soomaaliyeey waxaa ila habbon in ayan Muqdisho sidaa caasimad ku sii ahaan karin,beddelkeedana aan kala doorano sidatan:- 

1.iyadoo laga run sheegayo ruuxda distuurka Federalka Soomaaliya waa in Caasimadda dalku wareegtaa,oo muddaba ahaataa dowlad goboleed.

2. waa in gabi ahaanba magaalo kale la isku raacaa in ay Caasimad noqoto,dunidana10 dal ayaa caasimadahoodii baddalay sida: B.Saldanada Cumaan oo caasimadeedu ahaan jirtay”Salala” 1970-kii ayaa Muscat loo wareejiyay, T.Nageria “Abuja” ayaa Caasimad u ahaan jirtay 1991 ayaa “lagos” loo wareejiyay J.Sudan Umul-durmaan ayaa Caasimad u ahaan jirtay,1889 ayaa gumaystihii ingiriiska ahaa Khartoum Caasimadii u soo wareejiyay. IWM.

3: in Muqdisho Mudnaantayd lahaato,Caasimad Maamulka dowladda laga hagose la helo tusaalena waxaan u soo qaadan karnaa: B.Austerelia “Canbbera” ayaa caasimadda Austerelia laga dhigay markii Sydney iyo Melbourne ku murmeen magaaladaas oo u dhaxeysay laga ayaa laga dhigay 1908-kii,dad badan baase sydney caasimada u yaqaan. T.Malaysia: Burtajaya waa caasimad maamul, Xarumaha dowladdana ayaana loo raray 1999, J.Masar, dowladda Masarna 2015 waxay sheegtay in ay caasimadda rari doonto,wayna ku hawl jirtaa.

Sida lawada ogsoonyahana labo sababood ayaa dowladuhu Caasimadaha u wareejiyaan,waa mid dhaqaale iyo Mid bulsho,Waxay ila tahay soomaaliya tan khuseysa waa midda dambe.
Aqristow ma kula tahay adigu in Muqdisho sidaa Caasimad ku sii ahaan karto?!

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this