Sign in to follow this  
Deeq A.

5 Caruur ah oo ku dhimatay Qarax ay ku Ciyaarayeen Gaarisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaarisa ee xarunta woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen 5 Caruur ah.

5 Caruurta ah ayaa ku dhintay miino ay ku ciyaarayeen oo la qaraxday sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen.

Falkaan ayaa ka dhacay deegaanla lagu magacaabo Kanyeri oo u dhow Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Booliska Kenya oo goobtaasi gaaray ayaa ku waramaya in miinadaasi ay tahay miino mar hore meesha lagu aasay.

Caruurta dhimatay waxaa u weeyn wiil 15-Sano jir ah sida ay sheegeen Booliska.

Woqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo ay geeysteen Al-Shabaab.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post 5 Caruur ah oo ku dhimatay Qarax ay ku Ciyaarayeen Gaarisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this