Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sidee Kismaayo looga dabaal dagay guusha Xulka Jubbaland ee tartanka maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Boqolaal dadweyne ayaa maanta isku soo bax ka dhigay waddooyinka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Boqolaalkan ruux oo ay ka muuqato farxad ayaa ku qeyla dhaaminaayay erayo muujinaaya Guusha ay Ciyaartooyda Jubbaland ka gaareen Koobka Gobolada dalka.

Xulka kubadda cagta maamul goboleedka Jubbaland, ayaa ka raayay Xulka maamulka Puntland, iyadoo guusha kadib ay shacabka Jubbaland isugu soo baxeen waddooyinka Kismaayo.

Ciyaartoyda Jubbaland ayaa  soo bandhigay ciyaar wanaag, iyadoo xamaasad weyn laga dareemayay taageerayaasha labada dhinac oo garoonka Banaadir Stadium ku wada sugnaa.

Xulka Jubbaland ayaa goolka dhaliyay daqiiqadii 74aad ee qeybta labaad ee ciyaarta, waxaaa mar qura isqabsaday sawaxan taageero ka muuqatay oo ay ku dabaal degayeen taageerayaasha Jubbaland.

Ciyaartooyda  kubadda cagta ee Jubbaland ay ku guuleysteen tartanka kaddib markii ay ciyaartii Finalka  ahayd 1-0 uga badiyeen xulka Puntland oo tartankan ku guuleystay sanadkii hore.

Kismaayo-1.jpg?resize=300%2C200&ssl=1Kismaayo-2.jpg?resize=300%2C200&ssl=1Kismaayo-3.jpg?resize=300%2C200&ssl=1Kismaayo-4.jpg?resize=300%2C200&ssl=1Kismaayo-5.jpg?resize=300%2C200&ssl=1Kismaayo-6.jpg?resize=300%2C200&ssl=1Kismaayo-7.jpg?resize=300%2C200&ssl=1Kismaayo-8.jpg?resize=300%2C200&ssl=1

The post Sawirro: Sidee Kismaayo looga dabaal dagay guusha Xulka Jubbaland ee tartanka maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this