Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo wareegto ku magacaabay La-taliyihiisa  cusub ee xagga amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa lagu magacaabay La-taliyaha cusub xagga amniga ee madaxweynaha.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Cabdi Saciid M, Cali oo noqon doona la-taliyaha cusub xagga amniga ee madaxweyne Farmaajo.

Cabdi Saciid oo lagu magacaabay wareegtada Madaxweynah ayaa waxa uu noqonayaa la-taliyihii Seddexaad ee xagga amniga uu Farmaajo yeesho Sagaalkii bil ee la soo dhaafay.

waa-kana-1132x670.jpg?resize=473%2C473&s

Cabdi Saciid, ayaa la-taliye dhanka amaanka ah kasoo noqday meelo dhowr ah, waxa uuna 2dii sano ee ugu dambeysay, midowga Yurub lataliye uga ahaa dhanka amniga.

Dhinaca kale, 2004-2005 waxaa uu La-taliye Technical Advisor u ahaa TFG-da Cabdullahi Yusuf, isaga oo isla jagadaasi ka qabtay 2006-2008dii, waxaa intaas kadib ka shaqeeyay Safaaradda Talyaaniga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Farmaajo oo wareegto ku magacaabay La-taliyihiisa  cusub ee xagga amniga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this