Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaabka isku soo dhiibaya DF oo kordhaya iyo hal sabab oo lagu macneeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya maleeshiyaadka al-Shabaab ee isku soo dhiibaaya Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Maleeshiyaadkan isa soo dhiibaaya ayaa waxaa sabab looga dhigay kororka weerarada ay diyaaradaha Mareykanka ka geystaan Gobolada dalka.

Weerarada ugu badan ayaa ka dhaca Gobolka Shabellaha Hoose oo la rumeysan yahay inay ku yaalan Saldhigyada ugu waaweyn ee al-Shabaab.

Maxamuud Cabdi oo kamid ah Saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadka ugu badan ay sanadkaan isku soo dhiibeen Koonfur Galbeed.

Waxa uu sarkaalkan sheegay in muddo ku dhow lix bil gudaheeeda ay maamulka isku soo dhiibeen ugu yaraan 70 maleeshiyo oo isugu jira Dagaalyahaano iyo Horjoogayaashii ay ilaalinayeen.

‘’Wey sii kordhayaan al-Shabaabka soo galaaya gacanta dowlada waxaan wadnaa wadahadal lagu soo gacan galinaayo sodomeeyo al-Shabaab oo aan weli isa soo dhiibin rajadu aad ayay u wanaagsan tahay’’ ayuu yiri Maxamuud Cabdi.

Sidoo kale, Maxamuud Cabdi, ayaa sheegay inay dareemayaan in laga faa’iideysanaayo fursada uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo siiyay al-Shabaabka.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in maleeshiyaadka al-Shabaab ee aan weli isa soo dhiibin ka faa’iideystaan fursadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Shabaabka isku soo dhiibaya DF oo kordhaya iyo hal sabab oo lagu macneeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this